Muqdisho (Jalalaqsi Online) – Magaalada Muqdisho waxaa galabta ka dhacay banaan-bax xoog leh oo lagu taageeray ciidanka qaranka ee dagaalka adag kula jira Khawaarijta Al-Shabaab, sidoo kale dadka reer Muqdisho waxay galabta caalamka ka codsadeen in dowladda laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran.
“Al-Shabaab ha jabo, dooni meyno Khawaarijta hala-laayo, waan ku jihaadeynaa” iyo erayo kale oo adag ayey ku qeylinayeen dadkii maanta isugu soo baxay banaanbaxyada Muqdisho ka dhacay.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa ka hadlay fagaarihii lagu qabtay banaanbaxaas ayaa sheegay in shaqaalaha gobolka Banaadir mushaarkooda bishaan 9-aad ay ku taageeri doonaan dagaalka ay dowladdu kula jirto Khawaarijta Al-Shabaab.
“Waxaan idiin balan-qaadayaa in mushaarka shaqaalaha Gobolka banaadir bishaan loogu deeqay ciidanka xoogga dalka ee dagaalka adag kula jira Khawaarijta,” ayuu yiri Madaale.
Sidoo kale Duqa Muqdisho wuxuu ka codsaday goleyaasha kale ee dowladda in mushaarkooda ugu yaraan hal ay ugu deeqaan dagaalka, si dhaqaale yiri aysan u soo wajihin halganka xoreynta ah ee dalka ka socda.
“Dadka reer Muqdisho banaan-baxaan ay dhigayaan maanta waxaa looga soo hor jeedaa laba arrin oo kala ah, Khawaarijta iyo cunaqabateynta hubka ee saaran dalkeena,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay garab siinayaan oo qaraxyada ay u sameeyaan dad ajaanib ah, sidaas darteed wuxuu duqa Muqdisho oo dhextaagan bulshada ku nool caasimadda uu dowladaha caalamka ka cosaday in dowladda Soomaaliyeed laga qaado cunaqabateynta hubka, si looga guuleysto cadowga.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa balan qaaday in barnaamijka uu hal abuuray ee ‘dalkaaga ku dhiso hal dollar’ loo weecinayo xoreynta dalka, iyadoo loo bedelayo ‘Dalkaaga ku xoreyso hal dollar.’

 

                                                          Jalalaqsi Online