Raysul wasaaraha Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa asaga oo caasimada joogo ka qayb galin sanad guuradii 62aad ee ciidanka xooga Soomaaliyeed oo ku beegneed 12 April 1960, balse wuxuu ugu hambalyey sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Dableyda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda sanad guurada 62aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay CXDS asaga oo gurigiisa Joogo.
Ciidanka Xoogga Dalku waa astaanta qaranka ee geesnimada iyo nafhurnimada, waana kuwa habeen iyo maalin dhaxanta iyo kuleylaha u taagan, dhiiggoodana u daadiya in ay dalka iyo dadkaba ka difaacaan cadowga gudaha iyo dibadda.
Ciidanka Xoogga Dalka waxaan ku bogaadinayaa howsha adag ee uu qaranka u hayo waxaanna u rajeynayaa guulo joogto ah, anigoo ku boorrinaya in uu sii laba jibbaaro dadaalka difaaca qaranka iyo la dagaallanka argagixisada.