Muqdisho (Jalalaqsi Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Xildhibaan Hore Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed.

Xildhibaan Shaacir ayaa ka mid ahaa Golihii 10-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna maanta ku dhintay dalka Hindiya.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Sheekh Shaacir uu muddo dheer u soo adeegayey dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isaga oo door muhiim ah ku lahaa geeddi-socodkii dowlad dhiska Soomaaliya.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed oo muddo dheer ayuu u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Xildhibaan Shaacir oo xanuunsanaa maalmahaan ayaa ugu dambeyn maanta ku geeriyooday dalka Hindiya oo arrimo caafimaad loo geeyey.

Allaha u naxariistee Sheekh Shaacir wuxuu noqday marxuumkii labaad oo xildhibaanadii hore ka mid ah oo geeriyooday saacadihii lasoo dhaafay.

Xalay waxaa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho lagu dilay Xildhibaan hore Sheekh Ibraahim Deyfullaah, wuxuuna Sheekh Shaacir noqonayaa xildhibaankii labadaad oo saacado gudahood ka baxay baarlamaankii hore.

 

 Jalalaqsi Online