Ciidamada howlgalka ATMIS ee howlgalka Midowga Afrika ayaa lagu wadaa inay beri banneeyaan Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo ay muddo dheer sugaayeen amnigeeda, maadaama ay ku sugan yihiin madaxda qaranka.

Xuseen Macallin Maxamuud, oo ah Lataliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in ATMIS ay beri wareejineyso amniga Villa Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay qayb ka tahay qorshaha ay amniga dalka kula wareegayaan ciidamada Soomaaliya.

Sida ay xaqiijiyeen illo muhiim ah waxaa amniga Villa Soomaaliya beri wixii ka dambeeya la wareegaya ciidanka Madaxtooyada iyo kuwa Booliska gaarka ah oo beddalaya ATMIS.

Ciidamada la wareegaya amniga Villa Somalia ayaa ah kuwa dhowaan tababar xooggan kusoo qaatay dalka Serbia, tababarkaas oo uu ka shaqeeyey safiirka Soomaaliya ee dalkaas Maxamed Cabdullaahi.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in hadda kadib amniga xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay sugi doonaan ciidamada Soomaaliyeed, taas oo soo gabagabeneysa ciidamadii ajnabiga ahaa ee Madaxtooyada joogay tan iyo sanadkii 2007-dii.

ATMIS ayaa horay u wareejsay xaryooyin ciidan oo ay ku lahayd gobollada dalka, ayada oo ujeedka uu yahay inay si tartiib ah uga baxdo dalka, inta laga gaarayo dhamaadka 2024.

Dowladda Soomaaliya oo haatan waddo dadaal dheeraad ah ayaa qorsheyneysa inay sugato amnigeeda, sidoo kalena ay kala wareegto ciidamada howlgalka ATMIS.

Dhowaan Ra’iisul wasaare Xamza oo ka hadlayay guushii deyn cafinta ayaa sheegay in qorshaha dowladda uu yahay dhisida ciidanka Xoogga iyo la wareegida amniga dalka.

Waxaa noo dhiman oo dhawaan aan xaqiijin doonaa xoreynta qaybaha ka dhiman dalkeenna, la wareegidda iyo hanashada amniga dalka, marka la gaaro, Insha Allah dabayaaqada sanadka soo socda,” ayuu horay u yiri Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Soomaaliya ayaa haatan ku tallaabsatay horumar ballaaran, waxaana maalmo kahor laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneyd, taas oo muhiim ah dagaalka Al-Shabaab.

 

Jalalaqsi Online