Muqdisho (jalalqsi Online) –Ciise Maxamuud Yuusuf (Korneel Ciise Yulux) oo ka mid ahaa shakhsiyaadkii liiskooda ay soo bandhigtay Dawladda Mareykanka ee xayiraada la saaray saacado ka hor ayaa xaqiijiyey in hub uu kasoo iibsaday Dalka Yeman.
Inkastoo uu sheegay Ciise Yulux inay been tahay wada shaqeyn toos ah iyo mid dadban intuba inay dhexmartay Kooxda Daacish Ama Al Shabaab hadana waxa uu qirtay in hub 2016-kii doonyo kaga soo dejiyeen xeebaha puntland uuna kasoo iibsaday dalka Yeman.
Korneel Ciise Yulux oo ah sargaal ciidan si weyna looga yaqaano deegaanada Puntland ayaa hore uga mid ahaa dadka caanka ku noqday afduubka maraakiibta ee loo yaqaanay kooxihii burcad badeeda Soomaalida.
Ciise ayaa hadda sheegaya inuu lowyer qabsan doono ilaa heer maxkamadna uu la tegi doono Dawladda Mareykanka isagoo ku andacoonaya inay been abuur tahay xogta lagu sheegay inuu la shaqeeyo oo hubka u iibiyo kooxda Daacish-ta Soomaaliya gaar ahaan kuwa Puntland.
Korneelka oo kasoo jeeda Beesha Majeerteen jufada cali saleebaan ayaa waxa uu kasoo jeedaa Gobolka Bari,waxaana dadka yaqaana ay sheegeen in uu muddo kusoo jiray arimaha ciidamada iyo dawlad dhiska Puntland waa sida ay warka udhigeen,waxaana uu heystaa lacag badan uu ka sameeyey burcad badeednimadii uu katirsanaa sida la ogaaday,kaas oo sahashay in maalqabeenada gobolka Bari uu ka mid yahay lacagtiisa 100 milyan dollarka mareykanka lagu qiyaaso inay ku dhawdahay.
jalalqsi Online