Muqdisho (jalalaqsi Online) –Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulamo gaar gaar ah magaalada Muqdisho kula yeeshay xubnaha Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya

Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya Thomas Chepkuto ayuu Madaxweynaha kulan la qaatay iyagoo ka wada hadlay xiriirka muhiimka ah ee ka dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, Doorka ATMIS ay ka qaadan karto Amniga Jubbaland, iyo sidii Bulshooyinka labada dal ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha nabad galyada

Sidoo kale Madaxwanuhu ayaa waxa uu kulan la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya dalka  FEI Shengchao,  iyagoo isla soo qaadeen xiriirka ka dhaxeeya labada dal, kulanka Madaxwaynaha iyo Safiirka Shiinuhu intii uu socday waxa ay ka wada hadleen doorka Beesha Caalamka kaga aadan dedaalada dalka looga xorenaynayo Al-shabaab

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Safiir ku xigeenka Dalka Ingiriiska Ed Barnett, waxayna ka wada hadleen wada shaqaynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Ingiriiska, Arrimaha Abaaraha ayay sidoo kale ka wada hadleen isagoo Safiir ku xigeenku hoosta ka xarriiqay sida ay Dowladdiisa uga go’antahay taakulaynta dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu saamayeen

Kuxigeenka ergayga gaarka ah ee Madaxa Midowga Africa u fadhiya Soomaaliya Fiona Lortan ayuu Madaxweynaha sidoo kale kulan gaar ah la qaatay iyagoo kawada hadlay taageerada Hawlgallada socda iyo sidii loo sii dardar-galin lahaa

Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Safiir ku xigeenka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Timothy P. Trenkle, iyagoo ka wada hadlay Xaaladda guud ee Dalka gaar ahaan arimaha Amniga, Siyaasadda iyo Abaaraha ka jira Dalka

                 jalalaqsi Online