Hargeysa(jalalaqsi  Online) – Khalalaasooyin Siyaasadeed iyo mid amni ayaa laga cabsi qabaa inay Maanta ka dhacaan degaannada Soomaaliland, xilli Maanta ay ku egtahay muddo xileedka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Guud ahaan Magaalooyinka iyo degaannada Somaliland ayaa Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaa ay dhoobtay Ciidamo farabadan, kuwaas oo wata gaadiidka noocyadiisa kala duwan baaritaano ku sameynaya, halka meelaha qaarna dadka ay ka celinayaan

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee UCID & WADANI oo horay u sheegay in aysan aqbaleyn muddo kororsi ay sameysato Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta laga sugayaa in ay go’aan qaataan maadaama muddo xileedkii Madaxweynaha Somaliland uu dhamaaay welina uusan doorasho qaban

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qaba in ka hor doorashooyinka Madaxtooyada ama Madaxwenaha la qabto doorashada Ururada Siyaasadda, balse Xisbiyada mucaaradka ay taasi kasoo horjeesteen maadaama meesha ay ka baxayaan

Xaalad kacsanaan ah ayaa Maanta laga dareemayaa Magaalooyinka Somaliland, waxaana Bulshada ay ka cabsi qabaan inay isku-dhacyo dhexmaraan Ciidamada Somaliland ay waddooyinka dhoobtay iyo Xisbiyada mucraadka.

                                                            jalalaqsi  Online