Muqdisho (jalalaqsi Online) – Kooxda Al shabaab ayaa weerar laga shaqeeyey fulitaankiisa waxay ku beegsadeen xeyndaab amnigiisa aad loo adkeeyo oo udhaw Xabsiga Godka Jilicoow oo NISA ay maamusho.

Buqcada la weeraray ayaa ah guri isku raran ah oo dhowr deegaan ka kooban waxaana lagu magacaabaa VILLA ROSE,iyadoo mas’uuliyiinta Dawladda ay degganaayeen.

Taliye kuxigeenkii hore ee NISA Korneel Cabdullaahi Macoow oo ku nool Mareykanka ayaa qibrad ahaan xuuraanka uu bartay dhinaca sirdoonka waxa uu sharaxayaa waxyaabaha sahlay weerarka lagu qaaday VILLA ROSE.

Waxa uu sheegay Macoow in Kooxda Al Shabaab loo fududeeyey in meesha tegaan,oo ay sahmin ku sameeyaan goobta.

Korneel Macoow ayaa calaamad su’aal geliyey in rag kasoo goostay Argagaxisada oo la sheegay in lagu hayey muddo kooban xerada saliindi ay kadib ku dhex milmaan Hay’adaha amniga taas oo shabaab usahasha inay weerarada ay doonaan fuliyaan.

Waa ceeb iyo wax laga yaq yaqsado ayuu yiri Korneel Macoow in Xaruntii dalka looga ariminayey meel udhaw ay argagaxisadu weerar ka fuliyaan iyadoo mas’uuliyiin dhowr ah ay goobta la beegsaday kusugnaayeen.

                                                                    jalalaqsi Online