Muqdisho (jalalaqsi Online) –Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar ayaa kulan khadka Taleefoonka la yeelatay Madaxweynaha maxkamadda Caalamiga ee ICC mudane Piotr Hofmański.
Mudane Piotr Hofmański iyo Gudoomiye Sacdiya ayaa si gaar ah uga wada hadlay arimo waxtar leh oo ku saabsan suurtagalnimada xoojinta nidaamka Cadaaladda dembiyada caalamiga ah.
Intii kulanka uu socday ayaa sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen sida Soomaaliya looga garabsiin karo soo afjaridda dambiyada siyaasadeysan ee dalka ka dhacay iyo sidii maxkamadda loo soo taagi lahaa kuwa falalkaas ku kaco.
Gudoomiye Sacdiya ayaa u sheegtay madaxweynaha in Dadka dhibaatada kawada Soomaaliya in maxkamadda ay kala shaqeyso in sanadka cusub lasoo afjarayo dhamaantood taa oo mudane Piotr uu ka aqbalay inuu sida uga dhaqsiyaha badan uga shaqeyn doono.
Xildhibaanad Sacdiya ayaa Madaxweynaha u sheegtay iney jiraan dad dambiyo calculus ka galay Soomaaliya oo qaarkood ku nool qurbaha waxaana ay ka dalbatay in meeshooda kuwaas lagu maxkamadeyo.
Xildhibaanada Gudoomiye Sacdiya ayaa xustay iney fahansantahay islamarkaana ay ka shaqeyn doonto sidii sharciga loo horgeyn lahaa siyaasiyiinta ka macaasha xasilooni darrada Soomaaliya oo shaarar kala duwan umadda u gashtay.
jalalaqsi Online