Garbahaarey(jalalaqsi Online) –Sida ilo Wareedyo lagu kalsoonaan karo ay uxaqiijiyeen jalalaqsi Online oo dadka deegaanka ah Koox hubeysan ayaa caawa waxay dil ka geysteen magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.
Kooxda al shabaab ayaa dishay Maxamed sheekh oo ahaa gudoomiyaha xaafada xaashi weer ee Garbahaareey.
Marxuumka ayaa dilkiisa waxaa xaqiijiyey mas’uuliyiin katirsan maamulka gobolka gedo iyagoo ka tacsi ka diray dilkaas.
Al Shabaab ayaa sheegatay inay khaarajiyeen mas’uul katirsanaa maamulka magaalada Garbahaareey.
Maalmo ka hor waxay al Shabaab ay dileen Taliyihii Nabad sugida Gobolka Gedo Bakaal Kooke iyadoo ay umuuqato shabaab in weerar gaadmo ah ay ka geysanayaan gobolka Gedo.
jalalaqsi Online