Muqdisho (Jalalaqsi Online) – Guddoomiyaha gobobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay shirka banbaxa maamulka gobolka Banaadir.
Shirkan oo socon doono mudda saddex maalmood ah ayaa waxa uu ku salaysan yahay is-barasho iyo in la isu keeno guud ahaan maamulka sare, agaasimayaasha iyo guddoomiyaasha degmooyinka ee magaalada Muqdisho.
“Ujeedka waa si loo hagaajiyo dib-u-habayna loogu sameeyo qaab-dhismeedka shaqo ee maamulka gobolka Banaadir iyo in gobolku yeesho aragti wadareed iyo qorshayaal istaraatiijiyadeed kuna salaysan sidii loo hagaajin lahaa adeegyadda bulshada ee magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shirkaan.
Sidoo kale waxa shirkaan looga hadlay in la helo qaab-dhismeed sawiran oo ku dhegan qayb walba iyo degmo walba ee gobolka Banaadir ah, waxaana la filayaa in banbaxaan laga soo saari doono qorsha siyaasadeedka iyo xeerarka gobolka Banaadir.
Guddoomiye Madaale ayaa sidoo kale waxa uu madaxda maamulka gobolka u sheegay in aan marnaba la aqbali doonin musuq-maasuq iyo wax is-dabamarin.