Muqdisho (Jalalaqsi Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goordhow ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya gaar ahaan degmada Dharkenley oo ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyinka dhaca gabeedka caasimada ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay afaafka hore saldhig galbeed, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaas, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeeladu gaartay.

Sidoo kale xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaad aad u kacsan, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay halkaasi.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonayo falal liddi ku ah amniga oo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey gudaha magaalada Muqdisho.

Arrimahan oo dil ayaa dhacaya, xilli haatan lagu jiro marxalad kala guur ah oo ka dhalatay daaha doorashooyinka weli ka socda Soomaaliya.

jALALAQSI.COM