(Jalalaqsi Online)—- Dekedda magaalladda Chornomorsk ee Gobalka Odessa ee dalka Ukraine waxaa maanta oo Axad ah ka soo shiraacday Markab Xamuul oo wada Shixnad Qamadi oo u socda dalka Ethiopia ee aan wax Deked ama Badda aan lahay

Qoraal lagu soo daabacay Barta Telegram ee Wasaaradda Kaabayaasha Dhaqaalaha ee dalka Ukraine ayaa lagu muujiyey in Markabka Xamuulka ee MV AMIRA HANA uu 30,000 oo tan oo Qamadi ah geyn doono Dekedda Djibouti,  halkaasi oo Shixnadaasi loogu sii gudbin doono dalka Ethiopia oo Warbixinta lagu sheegay inay dadka Ethiopian-ka la dhibaataysan yihiiin Macluul

Dhanka kale, Waxaa xusuusin mudan in Madaxweynaha dalka Ukraine,  Volodymyr Zelenskyy uu bilaabay Barnaamijka Dalaga Badarka (Haruurka), iyadoo ay Ukraine la kaashanayso Dowladaha ay Wada-shaqaynta leeyihiin, si Kaalmadasi oo gaarsiiyo dalalka ay soo wajahayso Xiisadda Aadminimo

Barnaamijka Badarka ama Haruurka ka yimaada dalka Ukraine waxaa Fulinta qeybinteeda lala kaashadaa Barnaamijka Cintada Adduunka ee World Food Programme {WFP}

                                                               jalalaqsi Online