mogadisho (jalalaqsi Online)—Safiirka Dalka Maraykanka ee Soomaaliya Larry E. André, Jr. ayaa xaruunta safaaradda ee Muqdisho kula kulmay Aabbaha dhalay Allaha Unaxariistee taliye ku xigeenkii Ciidamada Danab Gaashaanle Xasan Tuure, oo dhawaan ku ku geeriyooday weerar ay Al shabaab ku qaadeen deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Safiirka Maraykanka ayaa Aabaha dhalay Gaashaanle Xasan Tuure ayaa la wadaagay dhambaal tacsi ah oo uu ka waday Dalka Maraykanka.

Taliye ku xigeenkii Ciidamada Danab Xasan Maxamed Cismaan oo ku magac dheer (Xasan Tuure), ayaa dhawaan lagu dilay Deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

  

                                                                    jalalaqsi Online