laba xildhibaan oo ka soo baxay Doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Beledwayne ee caasimada Gobolka Hiiraan ayaa durba wajahaayo dhaliilo waaween oo kaga imaanaayo beelahooda maadaama ay labaduba ku soo wada baxeen tartan culus oo ay la soo galeen musharaxiin ay wadatay Villa Soomaaliya.

xildhibaanka 1aad Cabdimaalik cabadalla oo ku guulaystay Kursiga tirsigiisu yahay Hop#066 ee Beesha yabar madaxwayne ayaa dubaba wajahaayo dhaliilo waaween oo kaga imaanaayo beeshiisa, waxaa lagu dhaliilayaa inuu aaday dalxiis Dibada ah xili dalku uu ku jiro xaalado Doorasho iyo isriixriix siyaasadeed, sidoo kale xildhibaankaan Cusub ayaa lagu dhaliilayaa in uusan marnaba la hadlin beeshii soo dooratay asaga oo sida la sheegay iskaba indha tiray odayaashii iyo siyaasiyiinta beesha taasoo keeni karto in 4ta sano ee soo socota beeshu matalaad la’aan noqoto mar kale.

xildhibaanka 2aad Cabdirisaaq Cabdullahi Macalin Ciid oo ku soo baxay Hop#063 tartan Adag uu kaga horyimid musharax ay wadatay Villa Somalia ayaa isla habiinkii uu soo baxay waxaa dhacay qarax ay ku la’deen dad badan oo ka mid ah taageerayaashiissii kuwaasi oo loo waayey meel lagu daaweeyo ayuu Xildhibaanku Safar degdeg ah u soo aaday Xamar asaga oo aan marna booqan ama ka tacsiyadayn musiibadaas, kaaga sii daranee wuxuu booqasho bandhig ah ugu tagay musharax Madaxwayne Sheekh shariif sheekh Axmed taas oo keentay in Beeshiisa badabaa dhaliilaan walina ay ku muujiyaan baraha bulshada.

beelaha Xawaadle ayaa sanadkaan raadinaayey isbadalo waaween oo ah xaga Xildhibaanada maadaama ay dhamaan dhaliileen 10kii xildhibaan ee hore.