DEG.DEG Ciidan aad u hubeeysan ayaa la wareegay inta u dhaxeeysa xaruunta maamulka Gobolka Hiiraan illa Hoolka doorashada Beledweyne.Khilaaf ayaa ka taagan doorashada kursiga Hop#059 kaddib markii leysku qilaafay Odayaasha dhaqanka ee Ergada soo xulaya.Musharaxiinta kursigaasi u taagan ee is baddal doonka ah ayaa Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle u gudbiyay cabashooda ku aadan in Odayaal kuwa saxda aheyn la gudbin oo wararka sheegayaan in aay wadato xildhibaan Samiiro balse Yuusuf Dabageed ayaa ku gacan seeray tabashada Musharax .Arriintaasi ayaa keentay in Musharaxiinta isbadal doonka Hop#059 aay ciidan ku daadiyaan afaafka hore ee Madaxtooyada illa xaruunta maamulka Gobolka Hiiraan.Xaaladda ayaa hadda kacsan waxaana laga cabsi qabaa in uu dagaal dhaco.