moscow [Jalalaqsi Online]-Madaxii kooxda calooshood u shaqeystayaasha Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa ku dhintey shil diyaaradeed ka dhacay dalka Ruushka.
Wegner ayaa ku jiray liiska rakaabka diyaaradii ku burburtay Ruushka, waxaana ku dhintay 10-kii qof ee saarnaa.Mar sii horreysay, kanaalka Telegram ee ku xiran Wagner ee Grey Zone ayaa sheegay in diyaaradda ay ku soo rideen difaaca hawada gobolka Tver ee waqooyiga Moscow.
Prigozhin ayaa bishii June hogaaminayay gadood fashilmay oo ka dhan ahaa ciidamada qalabka sida ee Ruushka.
Jalalaqsi Online