Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shaqada dib ugu celiyay Wasiirka Arrimaha-gudaha, Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel), kaasi oo sannad ka hor xilka uu ka qaaday Madaxweyne ku xigeenka Maamulka, Cali Ciid.
Xil ka qaadistan Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Galmudug ayaa daba socotay xiisad ka dhalatay dhismaha golaha deegaanka Balanbale oo la isku qabsaday qaabkii xubnaha deegaanka loo qeybiyay, taas oo sababtay gacan ka hadal.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa mas’uulkan lagu war-galiyay in shaqadiisa uu dib ugu laaban karo.
