mudooyinkii u danbeeyey waxaa si hoose u socdo mooshiin xilka looga tuuraayo Madaxwayne ku xigeenka Hirshabeele Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed marka ay doorashada dhamaato, Dabageed ayaa noqday caqabad wayn Doorashadii ka dhacday Beledwayne taas oo soo dadajisay in la qalqaaliyo in xilkaas laga qaado maadama sida la sheegay uusan u qalmin in uu matalo Beesha leh kursigaas, Beesha uu ka dhashayna aysan ku qanacsaneen in uu matalo Dabageed.

waxaa la filayaa in marka ay soo gabagabowdo doorashada laguna noqdo caasimada Hirshabeele Jowhar in baarlamaanka si rasmi ah loo horkeeni doono mooshiinkaas hada Socdo.

jalalaqsi.com