Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay magaca ninka fuliyay qarixii labaad ee 23-kii bishan ay ka geysteen magaalada Beledweyn oo ay ka socotay doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

Maxamuud Nuur Aadan Cali oo Shabaab dhexdeeda looga yaqaanay (Khaalid Yare) ayey kooxda sheegtay inuu ahaa ninka fuliyay qarixii labaad oo la sheegay in loo adeegsaday gaari NOAH ah oo ku diyaarsanaa irida laga galo Isbitaalka Beledweyn oo loola cararay dhaawacyada qarixii koowaad.

qaraxaasi ayaa waxaa ku geeriyooday dad badan oo qiimo ku lahaa bulshada reer hiiraan