Nairobi (jalalaqsi Online)-Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare haddana kamid ah Lataliyeyaasha madaxweynaha ayaa si kulul uga hadlay dagaalka Shabaab iyo guuldaradii ugu dambeysay ee ciidanka soo gaaray.
Madaxweyne Waare ayaa sidoo kale aad u dhaliilay Beesha Habar Gidir oo uu marti u ahaa madaxweyne Xasan Sheekh isagoo sheegay in Beesha ay soo bandhigtay hub xoog leh iyo askar farabadan balse aan la howlgelin.
Waxa uu sheegay in madaxweynaha lagu baartay magaalada Dhuusomareeb isagoo sidoo kale aad u dhaliilay wasiirka wasaaradda Gaashandhigga waxaana uu xusay in wasiirka uu qeyb ka ahaa fashilinta ciidanka dowladda.
Dhanka kale waxa uu sheegay in siyaasiyiin iyo saraakiil hore ay lasoo xariirayeen ciidamada howlgalka waday islamarkaana ay u sheegayeen in ay isaga baxaan dagaalka aysan ku dhiman dhul aysan laheyn.
Dhanka kale waxa uu tilmaamay in marka 1-aad ay muhiim tahay in lasameeyo ciidan macawiisley ah oo deegaanada Shabaab kala yaqaano islamarkaana la howlgalo ciidanka.
Waxa uu dhanka kale aad u dhaliilay beesha Hawiye oo u mideysneyn dagaalka kooxda Al shabaab isagoo tilmaamay iney tahay in beel beel loolala fadhiisto oo hoos laga soo bilaabo wadatashiyada.
Beelaha qaar sida Habar gadiir, Murusade iyo Abgaal ayuu xusay iney awoodaan in dhulkooda Al shabaab ka saartaan balse ay jirto hagar iyo wadashaqeyn la’aan.
Ugu dambeyn waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan Hiiraan ugu baaqay inuu ku soo laabto Muqdisho gaar ahaan wasaaradda Gaashandhigga halkaasna uu ka dejiyo siyaasadda ciidanka iyo dib u xoreynta.

 

                                                                       jalalaqsi Online