Muqdisho (Jalalaqsi Online) – Kooxda Alshabaab ayaa sii deysay muuqaal ay ku muujinayaan askari ka tirsan howlgalka ATMIS oo kasoo jeeda dalka Uganda, kaasoo codsanaya in laga wada xaajoodo sii deyntiisa.
Kooxda Alshabaab ayaa askarigan ku qabtay weerarkii bishii may ee sanadkan ka dhacay magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellada hoose. Weerarkaas oo khasaare ba’an lagu gaarsiiyay ciidanka.
Askarigan oo lagu magacaabo Pow Sergeant M. William, oo 48 jir ah, ayaa ciidamada Uganda kusoo biiray sanadkii 1997. Bishii Abril ee sanadkan 2023 ayuu ka howlgalay xerada ciidanka ee ku taala Buulo Mareer, ka hor inta aan la weerarin 26-kii may .
“Farriintayda ku socota Dowladda Uganda, madaxweynaha iyo baarlamaanka. Waxaan idiin caddeynayaa in aan noolahay. Waxaan idinka codsanaynaa inaad maanka ku haysaan inaan nahay maxaabiis, idinkuna aad tihiin rajada kaliya aan sugayno inay dadaal ku bixiyaan sidii aan xabsiga uga bixi lahayn,” ayuu yiri askarigan.
Askarigan ayaa ka codsaday dowladda Uganda inay raadiso xal kaste oo lagu siin dayn karo. Wuxuu sheegay kaligiis inuusan ahayn maxbuus, balse ay jiraan maxaabiis oo katirsan ciidanka Uganda oo gacanta ugu jira kooxda Alshabaab.
Khawaarijta Shabaab ayaa sidan oo kale u qabatay askar Soomaaliyeed, shaqsiyaad u shaqeeya hay’ado caalami ah iyo waliba askar katirsan howlgalka ATMIS.
Khawaarijta oo hadda ka hadalsiisay askarigan ayaa u muuqata iney jab xoogan kala kulantay howlgallada cirka iyo dhulka ee socda iyadoo hadda door bideysa wadahadal.
Kooxdan baneesatay dhiigga Muslimiinta ayaa inta badan u shaqeysa qaab maafiya ah iyadoo oo dooneysa iney dalka ka macaashto.
Waxaana xogo aan helnay sheegayaan in lacagaha laga qaado Soomaalida in loo diro alqaacidada kale ee buuraha ku jirta.

 

                                                                            Jalalaqsi Online