Doha (Jalalaqsi Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayaa kulamo ka wada halkaasi.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka duulaya ahmiyadda uu dalka u leeyahay maalgashiga shisheeye ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay hoggaanka iyo xubnaha sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Qatar.
Kulanka ayaa looga wada-hadlay sidii ganacsatada dalka Qatar ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen dalkeena Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.
Dadaaladda socda ayaa qeyb ka ah sidii Soomaaliya u heli laheyd maalgashi caalami ah, gaar ahaan dhinacyada Tamarta, Wax soosaarka badda iyo berriga iyo Kaabe-yaasha dhaqaalaha sida dekadaha Iyo garoomada dalka.
Mudane Xamza ayaa sheegay in Soomaaliya laga cafin doono deynta, islamarkaana dalka laga xoreyn doono kooxaha Khawaariijta Al-Shabaab, xilli uu dalka ka socdo afmeerka wejiga koowaad ee dagaalka.
Arrintaasi ayuu ra’iisul wasaaraha sheegay in fursad weyn u tahay shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka horumar buuxa ugu tallaabsan lahaa, una heli lahaa maalgashi caalami ah.
Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Qatar ayaa dhankooda sheegay inay daneynayaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya, iyada oo kulanka loogu soo bandhigay ganacsatada Qatar fursadaha maalgashi Iyo kheyraadka dalkeena Soomaaliya.
Si kastaba, Qatar ayaa kamid ah dowladaha carbeed ee taageera Soomaaliya, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo.
Xukuumadda Dooxa ayaa sidoo kale taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynaya dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen, xilli uu dalk ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

                                                                       Hoos ka daawo sawirrada

 

                               Jalalaqsi Online