Beledwayne(Jalalaqsi online) waxaa gabagabo maraayo doorashadii ka socotay caasimada gobolka Hiiraan ee Beledwayne waxaana harkasan ilaa Afar kusi , waxaa isha lagu wada haayaa kursiga beesha Yebar Dige ee Hop#059 oo mudo 12 sano ay ku fadhisay xildhibaanad samiira xasan cabdulle, mudadaas ayaa waxaa jiray cabasho ah in kursigaas aan beesha loogu adeegin.
beesha iskaleh kursigaas ayaa hada waxaay ka wada midaysan yihiin in kursigaasi uusan sii ahaan karin qoondo dumar Samiirana aysan cida leh kursigaasi ku matali karin 4ta sano ee soo socota, taas badalkeeda beesha yabar Dige waxay ku midaysanyihiin in kursigaasi 4ta sano ee soo socota uu ku matalo aqaanyahan Maxamed cabdullahi Buraale oo loo yaqaano Raaxeeye.
Raaxeeye ayaa waxaa lagu xasuustaa in uu ahaa qof u dhaqdhaqaaqo arimaha bulshada xiliyada gaar ahaan xiliyada ay jiraan abaaraha sidoo kale wuxuu ahaa gudoomiyihii ururrka dhalinyarada Hiiraan ugu danbeen asaga oo noqday Gudoomiyaha ururka Dhalainyarada Hirhabeele.
waxaa aad logu rajeynayaa mudane Raaxeeye uu ku soo baxo kursiga hop#059 uuna noqon doono qof matala dhamaan Beesha xawaadle iyo gobolka Hiiraan intaba.
jalalaqsi.com