Laascaanood (Jalalaqsi Online) –Meydadka ciidamada maamulka Somaliland ee lagu jabiyay dagaalkii ka dhacay Laascaanood ayaa maalintii 13aad laga aruurinayaa dhulka miyiga ee gobalka Sool.
Saaka, meydadka askar cararkii ku gashay godad ku yaalla aaga Ildheer, Kali-baax, iyo Dowlis-dheer ee gobalka, waxaana la sheegay in ay u geeryoodeen oon iyo gaajo.
Sida laga soo xigtay dadka deegaanka, meydadka ilaa 5 askari ayay arkeen, kuwaas oo qeybtood uu isbedel sameeyay meydkooda. Sidoo kale, maalmihii lasoo dhaafay reer miyiga ayaa soo gudbinayay maxaabiis ay qabteen, iyagoo xaalado adag ku jira.
Ururka Bisha Cas ayaa shaaciyay in weli shaqaalihiisu aruurinayaan meydadka ciidamada Somaliland ee lagu jabiyay dagaalkii ay la galeen ciidamada SSC 25kii August, kaddib 8 bilood oo madaafiic aan loo meeldayin ay ku garaacayeen Laascaanood.
Dhanka kale, xilli ay kordhayaan tirada meydadka iyo maxaabiista dagaal ee laga hayo, ayuu Taliska Muuse Biixi sheegayaa in ay ku jiraan diyaargarow dagaal oo ay dib ugu qabsanayaan gobalka Sool oo ay ka saareen ciidanka SSC-Khaatumo.
Jalalaqsi Online