Muqdisho (Jalalaqsi Online) –Dhulgariir xooggan ayaa ku dhuftay dalka Marooko habeenkii Jimcaha ayaa dilay ugu yaraan 296 qof, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ayaa sheegtay in 153 qof oo ku dhaawacmay dhulgariirka lagu daweynayo isbitaallada, tirada ayaa marba marka ka danbeysa kor u kacaysa.

“Sida lagu sheegay warbixin ku meel gaar ah, dhulgariirku wuxuu ku dhintey 296 qof gobollada iyo degmooyinka al-Haouz, Marrakesh, Ouarzazate, Azilal, Chichaoua iyo Taroudant,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

Dhulgariirka ayaa cabbirkiisa horudhaca ahaa 6.8 markii uu dhacay 12:11am (22:11 GMT), sida laga soo xigtay Waaxda Sahanka dhulka ee Maraykanka. Dhismayaal badan ayaa burburay waxaana go’ay korontadii.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in burburkii ugu badnaa uu ka dhacay meelo ka baxsan magaalooyinka waaweyn.

Xuddunta dhulgariirku waxay ahayd mid sare oo ku taal Buuraha Atlas oo qiyaastii 70 kiiloomitir koonfurta ka xigta Marrakech .

Gariirka dhulgariirka ayaa sidoo kale laga dareemay magaalooyinka xeebta ah ee Rabat, Casablanca iyo Essaouira.

 

                                                                               Jalalaqsi Online