Muqdisho (Jalalaqsi Online) – warar hoose oo ina soo gaarayo ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweynaha Jamhuuriyadda wuxuu toos ula wareegay hoggaaminta dagaalka, waxaana muuqaneeysa inuu sameeyay isbeddel dhanka istaraatijiyadda hoggaaminta dagaalka iyo colalka ah.
1. Sareeye Gaas, Odawaa Yusuf Raage, kadib codsigii saraakiisha dagaalka ka yimid kulankii ay Ra’isalwasaaraha la yeesheen booqashadiisii Aden Yabaal iyo maalin kadib kulankiiMadaxweynuhu Dhuusamareeb kula yeeshay, hadda qaab isaga iyo Madaxweynaha u gaar ah ayuu Aden Yabaal uga howlgalayaa, si ciidankii dib loogu abaabulo weerar rogaalcelin ahna loo qaado.
2. Taliyihii guutada 6-aad, qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka, General Aadan Abshir Nuurre (Laba afle) waxaa la geeyay Aaga Galgaduud, waajibaadka la siiyay waa inuu qabto dhulka u dhexeeya Dhuusamareeb, Ceelbuur, Qaayib ilaa Ceelgaras .
3. Taliyihii Guutada 23 ee Ciidanka Xasilinta Caasimada G/le Aadan Jeelle Cali iyo qeyb ciidankii amniga Muqdisho sugayay oo kamid ah oo laga fursan waayay waxaa xoojin loo geeyay Nuur Dugle.
4. Cali Jeyte Cismaan si lamid ah Jeneral Odawaa, kulan ay Madaxweynaha yeesheen waxaa loo dhiibay hoggaanka dagaalka inta Hiiraan ka dhiman, qeyb shabeellada dhexe kamid ah iyo ilaa Wabxo ah.
cali jeyte cismaan iyo odowaa yuusuf ayaa waxa la, ogyahay in xilligii ay dagaalka hogaaminayeen natiijo fiican ka keenaan. taa oo keenaysa in madaxweyne xasan shiikh u wakiisho Hogaaminta dagaalka.
Jalalaqsi Online