Cabdullahi Maxamed Cali (Cabdullaahi Nasri) oo ahaa sarkaal ka tirsan sirdoonka Jubbaland, horayna loogu xiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhibaatooyinkii loogu geystay xabsiga Muqdisho uu maxkamad caalami ah kula tiigsanayo madaxwaynaha waqti xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed cabdullahi Farmaajo iyo saraakiishii u qaabilsaneed sirdoonka uuna hada bilaabay dacwadaasi.

Sarkaalkaan ayaa horay muuqaaladiisa loogu baahiyey barnaamijka Hanoolaato ee Weriye Ayaanle Xuseen Cabdi, isagoo ka sheekeynaya tacadiyadii ay NISA ugu geysatay godka Jilicow ee magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in lugaha uu ka naafoobay.

Sidoo kale Korneyl Cabdullahi wuxuu sheegay in qorshihii koowaad ee maxkamadda ICC uu cadeymaha dhibaatadii loo geystay ugu gudbilahaa uu meel fiican u marayo.

Dhamaan bulshada Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta qaar ayuu uga mahad celiyey inay ku garab istaageen, sidii uu cadaalad u heli lahaa, isagoo Allaah naxariistiisa uga baryey Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka balan qaaday inay baarlamaanka cusub hor geyn doonto kiiskiisa.

Cabdullaahi Nasri ayaa sidoo kale sheegay in safaarado badan oo reer Galbeed ah ay la soo xariireen oo uu la kulmay, “Waxaan ka codsaday inay cadaaladda igu garab istaagaan, anigoo sarkaal Soomaaliyeed ah oo la igu dhibaateeyey awoodii dowladnimada ay ayagu taageeraan.” Ayuu yiri Cabdullaahi Nasri.

waxaa la filayaa in dhawaan Cabdullahi Nasri uu dacwadiisa ku wajahan kooxda uu hogaamiyo farmaajo u gubin doomo maxkamada aduunka.