madaxwaynaha Hirshabeele cali guudlaawe xuseen oo maalmahaan saldhigtay caasimada Gobolka Hiiraan ee beledwayne ayaa wado qorshe wayn oo ku saabsan hirshabeele marka uu ku noqdo caasimada hirshabeele ee Jowhar maadaama joogitaankiisa Beledwayne wax badan ka fahmay arimaha gobolka hiiraan gaar ahaam arimaha dhaqanka iyo siyaasada Gobolka.

waxyaabaha la filaayo in uu sameeyo madaxwaynaha marka uu jowhar ku noqdo waxaa ka mid ah

  1. Caasimada Hirshabeele oo loo soo wareejiyo Beledwayne.
  2. Maamulka gobolka Hiiraan oo waxbadan laga badalo lana tayeeyo.
  3. wasaarada Arimaha gudaha oo isbadal lagu sameeyo.
  4. iyo talisyada ciidamada oo wax wayn laga badalo.

waxaa kaloo qorshaynayaa Madaxwaynaha in uusan Mooshiin laga keeno madaxwayne ku xigeenka Hirshabeele oo laga wadi waayey doorashadii Beledwayne diidayna rabitaanka qabiilka.

dhamaan isbadalaadaas waxay imaan doonaan marka ay dhamaato doorashada Madaxwaynahana uu ku laabto Jowhar.