Garbaharey (Jalalaqsi Online) –Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo ka dhacay gobolka Gedo, iyadoo lala beegsaday saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.
Qaraxa oo ka dhacay wadada Xariirisa degmooyinka luuq iyo Dolow er gobolka Gedo ayaa lala beegsaday kolonyo gaadiid ah uu watay Abaandulaha Qaybta 43 aad Rashiid Bohol ee ciidanka xoogga dalka oo marayay halkaasi.
Dad goobjoogayaal ah ayaa kusoo waramay in weerarkan ay ku dhaawacmay 10 askari, dadka dhaawacmay waxaa kujiro abaanduulaha guutada 10 aad ee ciidanka xooga dalka isagoona dhawaciisa la geyay magalaada luuq ee gobolka Gedo.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu jiro askar dhimasho ku noqotay weerarkan, wallow aan tiradooda rasmiga ah wali lasoo bandhigin.
Mudooyinkii dambe amniga wadada xariirisa luuq iyo dolow ayaa ahaa mid aan hagaag saneyn waxana dhowr mar ka dhacay qaraxyo miino oo maleeshiyada al.shabaab ay giliyeen wadadaas.

 

                                                                         Jalalaqsi Online