ciidamada itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Hiiraan ayaa Afduubtay qaar ka mid ah dadka deegaanka Feerfeer ee Gobolka hiiran ayaga oo ku sheegay in ay yihiim Alshabaab, dadka deegaanka ayaa joojiyey dhamaan isku socodkii gawaarida ee iskaga kala gooshi jiray dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Maamulka feerfeer Soomaaliya ayaa waxay kala hadleen ciidanka Afduubka rayidka sameeyey in ay sii daayaan dadkaa balse ciidamada itoobiya ayaa ku gacan seeray diidayna in ay sii daayaan dadkaas, taasi waxay keenya in maanta uu hakad galo ganacsigii deegaanka baabuurtina ay tubanyihiin xuduudaha laba dal.
Dowlada federaalka Soomaaliya oo masuul ka ah xuduudaha dalka wali kama hadlin afduubkaas loo geestay dadka deegaanka feerfeer