Baledweyne(Jalalaqsi Online) –Qarax weyn oo geystey khasaare xooggan ayaa maanta oo sabti ah ka dhacay magaalada Beledweyne, weerarkan ayaa sababay dhimashada dad ka badan 20 qof oo u badan rayid.
Qaraxa ayaa yimid kadib markii ciidamada amaanka ay ku joojiyeen gaari ay ka shakiyeen oo marayay Koontaroolka Horseed ee xaafada Xaawo Taako. gaariga qarxay oo ahaa nooca xamuulka ayaa gebi ahaanba basbeelay, waxaana burbur xoogan uu soo gaaray dhismayaal ka agdhawaa goobta, sida xarumaha shidaalka iyo dukaamo ku yaala wadada.
Dadka dhintay waxaa ka mid ah qoys ka agdhawaa goobta isbaarada oo dhamaantood qaraxa ay ku nafwaayeen. Muuqaalo badan oo ku wareegayay baraha bulshada ayaa muujinayay dad gubanaya iyo dhismayaal dumay oo ku yaaley goobta ganacsiga ee mashquulka badan.
Qaraxan ayaa laga maqlayay guud ahaan magaalada Beledweyne, waxaana la arkayay uuro aad u xooggan. Sidoo kale waxaa la sheegay in rasaas xooggan ay dhacday qaraxa kadib.
Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ah magaalada labaad ee ugu dadka badan Soomaaliya marka laga reebo magaalada Muqdisho.

 

                                                             Jalalaqsi Online