Muqdisho (Jalalaqsi Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta xilka la wareegay.

Taliyaha cusub ayaa xilka kala wareegay taliyihii hore ee ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-guuto Axmed Aadan Cali.

Taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka Sarreeye-guuto Madey Nuureey Sheekh ayaa xilka u kala wareejiyey taliyaha cusub ee xilka la wareegay gashaanle sare Dayax Cabdi Cabdulle iyo taliyihii hore ee ciidanka dhulka xoogga dalka Sarreeye-guuto Axmed Aadan Cali.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 18-kii bishaan September Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Dayax Cabdi Cabdulle, Taliyaha ciidanka dhulka ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kadib markii uu u dalacsiiyay darajada Gaashaanle Sarre.

Madaxweynaha oo magacaabistaas ku saleeyey sharciga dhismaha ciidanka xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa u rajeeyay Taliyaha cusub in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee ciidamada qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo Khawaarijta.

Si kastaba, Taliyaha ciidanka dhulka ayaa kal hore lala magacaabay taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka, balse dhawaan ayaa laga qaaday xilkii waxaana loo magacaabay Gaashaanle Sarre Dayax oo maanta la wareegay xilkaas, sarkaalkan ayaa kamid ahaa saraakiisha ugu sareysa GorGor.

Jalalaqsi Online