Mogadisho (Jalalaqsi Online)- Madaxa howlgalka ATMIS ayaa ku baaqay taageero caalami ah oo la siiyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo dhowr furin oo kala duwan oo dalka ah kula dagaalamaya kooxda Al-Shabaab.
Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan u baahneyn kaliya tababar, balse ay u baahan yihiin qalab, xirfado ay helaan saraakiisha, iyo in la qaado xayiraadda hubka, si dalka u iibsan karo hub.
Wareysi uu siiyey VOA Somali, ayaa Souef waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay leedahay “ciidan da’yar” ayna beesha caalamka mas’uuliyad ka saaran tahay inay ku taageeraan hub, rasaas iyo aqoon xirfadeed.
“Waad aragtay waxa ka dhacay Israel, arrinta u dhaxeysa Xamas iyo Israel, deg deg ayey saaxiibadooda, oo Mareykanka ku jiro, deg deg ayey u qaateen go’aan ay ku taageerayaan Israel, marka ay noqoto hub iyo rasaas,” ayuu yiri isaga oo soo xiganaya dagaalka Israel iyo Xamas, kaasi oo dhaliyey in Mareykanka uu maalmo gudahood ku diro gargaar militari oo deg dega ah.
“Waxaan u maleynayaa in Soomaalida ay hadda la tacaalayaan cunaqabateynta … inay tahay in la qaado xayiraadda.”
Jalalaqsi Online