Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay qorshe uu sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka dhex wado ciidamada, kaasi oo uu isbedel ugu sameynayo taliyeyaasha hoose ee ciidamada qalabka sida.
Qorshahaan ayuu Farmaajo waday maalmihii lasood dhaafay, kaasi oo ujeedkiisu yahay in meesha laga saaro dhamaan taliyeyaashii ka aragtida duwanaa Farmaajo xiligii Badbaado Qaran.
“Farmaajo habeen kasta wuxuu arkaa saraakiil ciidan. Walina lama soo sheegin Xildhibaano uu arkay iyo wax ififaalo doorasho ah oo Villa Soomaaliya ka socda, xili Muqdisho ay ku suganyihiin in ka badan 200 Xildhibaan oo dhawaan la soo doortay,” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Sidoo kale waxa uu sheegay inay socdaan qorsheyaal kale oo lagu beegsanayo siyaasiinta qaar, iyadoo la adeegsanayo gacmo kale sidii maalmo kahor ka dhacday Afisyoone iyo Beledweyne.
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta ka aragtida duwan Farmaajo inay xoojiyaan amaankooda, si aysan ugu bixin qorsheyaasha guracan ee wado madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.
“Doorasho sooma muuqato ee naftiina ha dayacinina,” ayuu ugu dambeyntiina ku yiri qoraalkiisa Xildhibaan Mahad Salaad oo asagu dhawaan markale kamid noqday Golaha Shacabka.