Muqdisho (Jalalaqsi Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa dadkii lagu dilay qaraxa Muqdisho ka dhacay ka mid noqday Agaasimihii TV-ga Somali Cable Cabdifitaax Macalin Nuur (Qeys), marxuumka ayaa ka mid ahaa weriyaasha muhiimka ah ee Muqdisho.
Nin naftiisa haligay oo soo xirtay waxyaabaha qarxa ayaa isku miidaamiyey dad u badnaa shacab oo ku sugnaa maqaayad lagu magacaabo Blue Sky oo ku taalla aagga Hotel Xaawo-taako ee degmada Boondheere.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacyo ayaa soo gaaray dad shacab, shaqaale dowlo iyo askar isugu jira oo ku sugnaa maqaayadda, waxaana is qarxiyey nin soo dhex-fariistay dadkii joogay banaanka maqaayadda.
Agaasime Cabdifitaax Qeys ayaa ka mid noqday dadka ku dhintay qaraxaas, geerida marxuumka ayaa aad u gilgishay baraha bulshada, sidoo kale waxaa la soo bandhigay madaxa ninkii is-qarxiyey oo muuqaal ahaa nin weyn.
Wasaaradda Warfaafinta oo tacsi ka soo saartay geerida Agaasime Cabdifitaax Qeys ayaa lagu yiri, “Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daud Aweis Jama, Wasiirku Xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Iyo dhammaan shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska ee JFS waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan bahda saxaafadda, qoyska , ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdifataax Macallin Nuur (Qeys) oo ahaa Agaasimaha Television-ka Somali Cable ee xafiiska magaalada Muqdisho. Marxuumka waxaa uu ka mid noqday dadkii uu galaaftay qarax ka dhacay makhaayad ku taalla Muqdisho.”
Banaanka hore ee maqaayadda oo qaraxaasi ka dhacay waxaa Bar-Control oo madaxtooyada laga ilaaliyo ku leh ciidamada dowladda, kuwaas oo ninkaan ka shakiyey inta uusan is-miidaamin.
Sida dad goobjoog ahaa ay sheegeen ninka is-qarxiyey markii uu yimid maqaayadda wuxuu dhex-fariistay dadka, kadib waxaa u yimid askari ‘Soo istaag’ markii la yiri ayuu is-qarxiyey.
Intii ay ciidamadu muujinayeen shakiga laga qabo ninka is-qarxiyey waxaa goobta ka cararay dad tiro yar, sida ay noo sheegeen goobjoogayaasha noo waramay.
Ilaa hadda majrto cid shaacisay tiro koob rasmi ah oo ku saabsan dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas.
Booliska Soomaaliya oo inta badan laga sugo xogta khasaaraha ayaa wada baaritaan iyo gurmad loo sameynayo dadkii ay waxyeeladu soo gaartay.
Wixii kasoo kordha kala soco Jalalaqsi Online