Muqdisho (Jalalaqsi Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxaa la horgeeyay illaa 11 mas’uul oo ka tirsanaa maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kuwaas oo ahaa guddoomiyeyaal waaxeed oo kala duwan.
11-ka qof ee la horgeeyay maxkamadda ayaa 8 kamid ah waxa ay yihiin rag, halka saddexda kalena ay yihiin dumar, kuwaas oo loo haysto la shaqeynta Al-Shabaab.
Sidoo kale kooxdan ayaa loo haystaa inay ahaayeen shabakad isku xiran oo basaasiin u ah Al-Shabaab, isla-markaana ka howlgaleysay degmooyinka kala ah Hodan, Howlwadaag, Heliwaa, Dayniile, Yaaqshiid iyo deegaanka Daarusalaam ee duleedka magaalada Muqdisho.
Sida ay sheegtay xeer ilaalinta maxkamadda waxaa shabakaddan hoggaaminayay nin lagu magacaabo Cabdiraxiin Maxamed Cismaan Jimcaale (Macruuf), kaas oo 14-kii bishii labaad ee sanadkan 2023-ka laga soo xiray suuqa Baakaaraha, wuxuuna ahaa diiwaan hayaha kooxda, ayada oo lagu soo qabtay Computer ay ku jiraan xogta shabakadda oo dhan.
Sidoo kale waxaa kooxdan kamid ah sarkaal ka tirsan Booliska oo u goostay Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay Ayaanle Maxamed Cali, kana howlgalayay saldhigga degmada Hodan, sida ay sheegtay xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida.
Ragga kale ee kasoo muuqday maxkamadda, kana tirsanaa maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir waxaa kamid ah:-
Shariif Nuur Cali Awliyo oo ahaa guddoomiye waaxeed ayaa loo heystaa inuu ahaa wakiilka shabakadda ee degmada Hodan, waxaana uu wajahayaa xog ka gudbinta qaraxii Soobe 2, abaabulka qarax miino oo loo dhigay taliyaha saldhigga Hodan iyo wax ka qorsheynta dil loo gaystay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Mahad Maxamed Cali.
Jbriil Cabdullaahi Sheekha oo kamid ah shabakaddan ayaa isna loo haystaa faafinta fikirka kooxda, wuxuuna ninkan kusoo tababartay Saakow, sida ay sheegtay maxkamaddu.
Cabdi Cali Cibaar Wardheere (Tabliiqa) ayaa isna wajahaya eedo kamid ah inuu macluumaadka qaraxyada ka keeni jiray deegaanka Daarusalaam iyo xaafadda Carafaad, isaga oo ah wadaad Tabliiq ah, hadane ka tirsan shabakaddan ka midka ahayd Shabaab.
Canab Xuseen Cumar Fiidow ayaa iyadana loo maxkamadeeyay inay shaqo basaas ah ka qabatay degmada Hodan iyo xarunta xisbiga, sidoo kalena ay baraha bulshada ka taageertay Al-Shabaab, ayada oo gaaleysiisay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.
Xidigle Xoogga Cawil Jaamac Cabdule Xiirey guddoomiyihii laanta 5-aad ee Midnimo, waaxda October ee degmada Hodan, Raxmo Cabdi Cabdishkuur Cali Muumin (Sandheer) guddoomiyihii laanta labaad ee Feer-Feer, Maxamuud Axmed Siyaad Barre (Muruq) guddoomiyihii waaxda Kacaan ee degmada Hodan, Sharmaarke Muuse Ismaaciil Caraale guddoomiye ku xigeenkii waaxda Kacaan, ahaana guddoomiyaha isboortiga ee waaxda, Asiili Maxamed Dhicisow Faarax guddoomiye laameedkii waaxda Taleex, kuna magacowneyd laanta Al-barako iyo Xasan Maxamed Ibraahim (Xasan Kacaan) oo ahaa guddoomiyaha laanta afaraad ee waaxda Kacaan ayaa dhammaantood ka siman eedda ah inay qaabilsanaayeen qaybta basaasnimada ee maamulka degmada Hodan.
Jalalaqsi Online