Dhuusamareeb (Jalalaqsi Online) – Ciidamada amniga, gaar ahaan booliska iyo nabad sugidda ka howlgala Galmudug ayaa ku guuleystay inay soo qabtaan ninkii dilay Cabdullahi Cali Hudey oo ay walaalo ahaayeen taliyaha booliska Guriceel Cismaan Cali Hudey.

Ninka lasoo qabtay ee loo heysto dilkii maxuumka waxaa lagu magacaabaa Cabdisalaam Cali Axmed, kaas oo hadda ku jira gacanta hey’adaha amniga.

Gudoomiyaha Degmada Guriceel Faarax Cabdi Macalin iyo Taliyaha NISA ee Galmudug Feysal Caanood ayaa warbaahinta xaqiijiyey in lasoo qabtay ninkii geystay dilkaas.

In lasoo qabto gacan ku dhiiglaha waxay suurta gashay caawa, kadib howlgallo culus oo maalmahaan ka socday deegaano badan oo la aaminsanaa in ninkaan uu ku dhuumanayo.

Taliyaha booliska degmada Guriceel Cismaan Cali Hudey ayaa habeeno ka hor dadka reer Guriceel iyo beeshiisa ugu baaqay in aysan sameyn wax falcelin ah, isla markaana ay ka war sugaan hey’adaha amniga, isagoo wacad ku maray inay soo qaba doonaan gacan ku dhiiglaha.

Allaha u naxariistee Cabdullahi Cali Hudey waxaa la dilay goor habeen ah isagoo ku sugan gudaha dukaan uu ku lahaa degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dadka reer Guriceel ayaa aad uga xumaaday dilka wiilkaas, iyagoo sameeyey banaanbaxyo waaweyn oo lagu muujinayey xumaanta dhacday iyo in la joojiyo dilalka salka ku haya aanada qabiilka.

Ninka la soo qabtay waxaa ku socda baaritaan ay ku wadaan hey’adaha amniga, maadaama uu jiro tuhun la xiriira in kooxda Al-Shabaab ay ku lug leedahay, waxaana baaritaan kadib la hor geyn doonaa maxkamadda ciidamada, si kiiskiisa go’aan looga gaaro.

 

Jalalaqsi Online