Daawo Rooble: “Xildhibaan Aamina waxaa dishay gacantii Ikraan Tahliil dishay”

Muqdisho (Jalalaqsi Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa ka qeyb galay kulan loogu duceynayo Xildhibaan Aamina Maxamed oo Beledweyne lagu dilay, isagoo sheegay in gacantii Ikraan Taliil dishay ay ka dambeysay dilka Xildhibaan Aamina Maxamed.

Rooble oo aad u careysan, isla markaana ilmeynaya ayaa sheegay inuu hayo fariimo loo soo diray markii ay isaga iyo Cali Guudlaawe go’aansadeen in kursigii ay Aamina Maxamed ku fadhisay aan qof gaar ah loo xirin oo la furo.

Waxuu sheegay in dagaal adag uu u galay in Ikraan Tahliil ay cadaalad hesho, balse rag badan oo uu ku tashanaayey ay garabkiisa ka baxeen.

“Iyagoo halgankoodii ku soo gabagabeeyey war Farmaajo iyo Rooble kala celiya, uma aanaa socon Farmaajo, laakiin waxaan rabnay in Ikraan ay cadaalad hesho, balse waa la siyaasadeeyey mana ka hari doono Insha allah,” ayuu yiri Rooble.

“Waxaan kaloo aaminsanahay, sidaan u aaminsanahay ina cawadaba aan dhiman karo in Aamina gacanta ka gardaran ee dishay ay aheyd gacantii Ikraan ka danbeysay, sababtaan saas u leeyahay wax kale maahan, walaalkeey Cali Guudlaawe markuu ogolaaday in la furo kuraastii Baarlamaan, waxaa ogaanay in dhibaato soo gaari doonto, waxaa ley soo diray massage oo leygu leeyahay kursigaas aamina furitaankaa furteen waxaad ka heshaa leedahay, ujeedo klaa leedihiin, iyo boob, waxaad ka heshaa leedahay, Cali Guudlaawe waa iska celineynaa, illaah baa iga sareeyo waa hayaa massage-ka, waan u dhimanayaa, waana u dhiman doonaa” ayuu yiri Rooble isagoo ilmeynaya.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkiisa sababeynaya ayaa sheegay in Cali Guudlaawe oo la soo xariiray intii uusan dhicin dilka Aamino, isagoo u sheegay in guddoomiyaha guddiga doorashada uu caqabad ku noqday kursigaas, isagoo doonaya inuu Aamino dhaafiyo, balse ay ku heshiiyeen in asagaba la bedalo.