Beledwayne(jalalaqsi Online) Dowlada soomaaliya ayaa iska indha tirtay ilaa hadana aan wax gargaar ah gaariin musiibadii qaraxii ay ku nafwaayeen qaar ka mid ah xildhibaano qaran iyo ku dhawaad 60 qof oo kale ayna ku dhawaacmeen 100 qof oo kale.

musiibadaasi waxaa ku burburay goobo gacansi oo badan iyo isbitaalkii wayne ee Beledwayne oo ah isbitaal u ageeda dhamaan gobolada dhexe ilaa iyo itoobiya, waxaa kaloo saamayn dhaqaalo soo gaartay ganacsiyo waaween iyo kuwo yar yar ilaa hadana wax ka socodo dowlad, hay’ad ama ganacsato u gurmatay ma jirto.

Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Madaxwaynaha iyo raysul wasaaraha labaduba waxay iska indha tireen waxa umadaasi qabsaday xataa qaylo dhaan afka baarkiisa ah xataa looma samayn, taasi waxay ku tusinaysaa in reer Hiiraan dhinac kasta lagala dagaalamaayo.

ma ahan markii ugu horeysay oo sidaan oo kale dadka reer hiiraan lagu fiirsado musiibooyin waaween oo soo maray.

Tirada dhimashada weeraradii Beledwayne oo sii korortay - Somali

www.jalalaqsi.com