Xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyey jadwalka doorashada guddoonka labada aqal, waxaana ogolaatay 190 xildhibaan, waxaa diiday 1 Mudane, halka ay ka aamuseen 6 kale.
Sida uu ku dhawaaqay guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka baarlamaanka, waxaa la isku raacay in 27- ka bishaan Abril ay noqoto doorashada guddoonka golaha shacabka, halka 26 ka bishana la dooranayo guddoonka golaha aqalka sare
Diiwaan galinta musharraxiinta ayaa si rasmi ah u bilaaban doonta maalinta berri ah oo ku beegan 19 abril, waxaana sidoo kale lasoo saaray wax ka beddel lagu sameeyay qidmadaha lacaga qaadayo musharraxiinta guddoonka labada aqal.
Musharraxiinta guddoomiyayaasha labada aqal ayaa laga qaadayaa lacag dhan $20,000, halka ku xigeennada laga qaadayo $15,000.
Musharraxiinta madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya ayaa dhankooda laga qaadayaa lacag dhan $40,000. Horey waxay u ahaan jirtay $30,000.