Muqdisho(Jalalaqsi Online) qoraal lagu shaaciyey barta Face booga ee Gudoonka Baarlamaanka Federaalka soomaaliya ayaa lagu shaaciyey qoraal sheegaayo jadwalka Doorashada Gudoonka Golaha shacabka, wuxuuna u qornaa sidan: JADWALKA DOORASHADA GUDDOONKA Golaha shacabka BFS Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BJFS ee BFS wuxuu maanta shaaciyay Jadwalka Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo noqon doona sida hoos ku xusan:-1. Is-diiwaangelin musharixiinta Guddoonka Golaha Shacabka (Xilliga shaqada: 09:00 Am ilaa 04:00 pm) taariikh 19, 20 iyo 21 April, 2022.2. Hadal jeedinta musharixiinta Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeennada ee Golaha Shacabka BFS taariikh 23 iyo 24 April, 2022.3. Is-diyaarinta Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BFS 25 April, 2022.4. Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BJFS ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taariikh 27 April, 2022.Xafiiska Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BFS.