Beledweyne(jalalaqsi  Online) –Guddoomiyaha Ururka kubadda cagta degmada Beledweyne Cabdicasiis Axmed Cadoow Jaaburi ayaa maamulka sport-ka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ku wareejiyay agab sports oo ka kooban Maaliyado Kabo iyo Koob kaas oo loogu tala galay kooxaha kubadda cagta ee ka dhisan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Munaasabadda wareejinta qalabkaasi sport oo ka dhacday garoonka Ceel-weyne waxaa ka qeyb galay Xog-hayaha maamulka degmada Maxaas Cabdicasiis Faarax Buulle guddoomiyaha wax barashada Maxaas Cabdullaahi Xuseen Cabdi isu duwaha Caafimaad Maxaas Faarax Xuseen Jimcaale iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha sports-ka Maxaas iyo ku xigeenkiisa ayaa uga mahadceliyay guddoomiye Cabdicasiis Jaaburi sida uu garab istaagay horumarka bahda kooxaha kubadda cagta ee ka dhisan degmada Maxaas.

                                                               Hoos ka daawo sawirrada