marka (jalalaqsi  Online) –  Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Qeybta La-dagaalanka Argagixisadu, waxay Degmada Afgooye ee gobolka Sh/dhexe ku qabteen Mooto Bajaaj lagu waday qaraxyo

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in Mooto bajaajTa lagu soo qariyey si loo kala gudbiyo miino iyo qalabka Remoteka loo yaqaano ee lagu qarxiyo

“Argagixisada ayaa dhagartaan la damacsanaa inay ku waxyeelaayaan shacabka Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, halkaas ayey Ciidanku uga hortageen” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay soo saareen Booliska

Lama oga halka lala damacsanaa miinadas Booliska kama hadlin

Booliska ayaa intaas ku daray in cadaalada la waafajin doono raggii watay mootadaas oo haatan la dhigay xabsiga, ayna ku socdaan baariitaan

                                                                    jalalaqsi  Online