Hargeysa (Jalalaqsi Online) – Waxaa muddo 94 maalmood ah kadib gelinkii dambe ee maanta xorriyadeeda dib u heshay Wariye Bushaaro Cali Baandey oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku xirneyd gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland.

Bushaaro ayaa waxaa saaka xukun hal sanno ah oo la iibsan karo ku ridday maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Hargeysa Bushaaro ayaa lacag ahaan u bixisay xabsiga lagu xukumay, kadibna waxaa sii daayay Booliska gacanta ku haya xabsiga Gibiley.

Sidoo kale qoyska Bushaaro Cali Baandey ayaa durba soo dhaweeyay sii deynteeda, ayada oo Hooyada dhashay ay muujisay sida ay ugu faraxsan tahay go’aanka ay maxkamaddu ridday.

Bushaaro oo bishii May ee sanadkaan la xiray ayaa dhowr jeer dib loo dhigay kiiskeeda, taasi oo walaac ka muujiyeen Wariyeyaasha iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha.

Ilaa iyo hadda lama Bushaaro lama hadlin warbaahinta, waxaase la filayaa inay dib ka bixiso faahfaahin ku aadan xaaladeeda iyo waxa ay la kulantay muddadii ay ku xirneyd.

                     Jalalaqsi Online