Galkacyo (Jalalaqsi Online) –Wararka naga soo gaaraya koofurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidmaadda dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Xarardheere ay gacanta kusoo dhigeen wiil yar, kaasoo Shabaab ay sahan ahaan usoo dirsadeen.
Sida wararku tilmaamayaan, wiilkan oo magaciiisa ku sheegay Cismaan Maxamuud Barre oo 17 sano jir ah ayaa ciidanka gacanta ku dhigay u sheegay inuu ka tirsanaa Shabaab, loona soo diray inuu sahmiyo wadooyinka qaraxyo lagu soo gelin karo magaalada Xarardheere.
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo xogta wiilkan baahiyay, sawirkiisana bartiisa Facebook soo dhigay ayaa sheegay in arrintan ay daliil u tahay in kooxda Shabaab ay kasoo xir xirmeen wadooyinkii kale oo ay haatan kusoo uruureen iney caruurta sahan ahaan usoo dirsadaan.
“Khawaarijta oo quus taagan ayaa bilaabay in ay adeegsadaan caruurta yaryar, balse ciidamada iyo dadka deegaanka Xarardheere oo isku xiran ayaa mar kasta fashiliya isku dayada argagixisadu ku doonayaan in ay ku dhibaaateeyeen bulshada” ayuu yiri wasiirka Fiqi.
Jalalaqsi Online