Maxaas(Jalalaqsi Online)-Xildhibaan mohamed cabdulqaadir mohamed oo ka tirsan baarlamaanka jamhuuriyada federaalka soomaaliyeed oo deegaan doorshadiisu tahay gobalka hiiraan oona ka mid ahaa mas,uuliyiinta sabtidii gaartay degmada maxaas ayaa qudbad kooban uu halkaas ka jeediyey ku yiri sidan soo socota.
Reer maxaaseed maanta waxa ay inoo muujiyeen kalgaceel walaltinimo ehelnimo iyo inan madaxdooda nahay bey inoo muujiyeen wayna ku mahadsanyihiin.
Hadafkeenu wuxuu yahay inan cadowga iska dulqaadno rabitaanka aad rabtaan iyo waxa aad rabtaan inaan ka shaqeynaa nagu balan ah ilaa aad gaartaan waxa aad u baahantihiin.
Maanta isu soo bixiina iyo soo dhaweynta aad nasoo dhaweyseen waxay farriin u tahay tusaalana u noqoneysaa cid walba oo reer maxaaseed ama degmada maxaaseed qiimaha iyo muga ay ku leedahay dowladnimada.
Maxaas waxa ay ahayd meesha uu halganku ka bilowday waxa ay ahayd meesha wiilal badan ay ku shahiideen iyagoo xurriyada iyo dowladnimada u halgamaya taa iyada ah ayey maxaas ku noqotay guriga gobanimada iyo hoyga sharafta ummada soomaaliyeed, taas iyadda ah ayuu madaxweynihii jamhuuriyadda u doortay in uu halkaan yimaado reer maxaaseed soo dhex fadhiisto si talo iyo tusaale iyo halgankan sidii uu usii Socon lahaay ra,yi la iska weydiiyo. anaga waxaanu nahay xildhibaanadii idinku matalayey dowladda dhexe waxaan sii joogi doonaa maalmaha soo socda.
Waxaana xusid mudan inuusan ahayn safarkii ugu horeeyey ee aan maxaas imaano waxaad xasusantihiin in xaaladu markay cakirneyd madaxweyne cali jeytana uu hogaaminayey howlgalka ayadoo sidaan ay ka cakirantahy inaan halkaan idiinku nimid dhib iyo dheefna idiinla qeybsanay marqaatiyaa ka tihiin taa iyadaa weli dul joognaa taa iyadaana ka shaqeyn doonaa dhamaantiina wajiyadiina farxada ka muuqato iyo sida aad noo soo dhaweyseena waxay shidaal ku shubeysaa dedaalkii aan wadnay iyo juhdigii aan wadnayna waan sii laba jibbari doonaa iyo waxa nooga baahantihiin. aad iyo aad ayaa u mahadsantihiin ballanteenu waa halgan ballanteenu waa maxaas oo noqota meesha soomaali oo idil u noqota tusaalaha halganka iyo gobanimada iyo meesha casharka loogu dhigay khawaarijta.
Waxa aad xasuusatiin meesha aan maanta joogno in madaxweyne cali jeyte cismaan galab galbaha ka mid ah oo 10 kun oo dollar ku baxshay ayadoo nin lasoo dilay ninkii soo dilayna al shababka abaal marin ku siiyey.
Maanta oo ah muddo dheer ka dib waxaan ka tashaneynaa sidii aan xurriyadaan usii haysan lahayn ummadeenana ay sharraf ugu noolaan lahaayeen.
Jalalaqsi Online