Beledweyne(jalalaqsi  Online) – Duqa Magaaladda Beledweyne ee Gobalka Hiiraan Nadar Tabaax Maalin oo ay wehliyaan Guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga Hirshabelle Farxaan Cumar Carte iyo xubno kamid ururka Haweenka Gobolka Hiiraa

n oo gaaray Degmada Maxaas ayaa Maamulka Isbitaalka Guud ee Maxaas ku wareejiyay deeq Dawa ah.

Wareejinta Deeqdaan ayaa imaaneysa iyadoo waqtigaan Baahi Dawo la’aan ah ay ka jirtay Isbitaalka Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.

Isu-duwaha Caafimaadka Degmada Maxaas Faarax Dhaga-madoow oo Mayar Nadar Tabaax Maalin deeqdaasi daawada ah kala wareegay ayaa u mahadceliyay mayarka Beledweyne Nadar Tabaax Maalin.

Dhanka kale Mayar Nadar ayaa kormeertay xaaladda dadkii ku soo dhaawacmay Dagaalada Al-shabaab iyo dadka deegaanka ku dhaxmaray Hiiraan oo dhaawacooda lagu dabiibayo Isbitaalka Maxaas waxa aayna Rabbi uga barisay in uu siiyo Caafimaad taam ah.

                                                       Hoos ka daawo sawirrada