Maxaas (Jalalaqsi Online) –waxaa maanta degmada maxaas gaaray Hogaamiye cali jeyte cismaan oo dhawaan loo doortay madaxweynaha maamulka cusub hiiraan state.
waxaana soo dhaweyntiisa isugu soo baxay boqolaal qof oo shacab ah waxayna boqolaalka qofood kusoo dhaweeyeen calanka maamulka hiiran state oo uu isaga madaxweyne ka yahay.
shalay iyo maantaba waxaa degmada maxaas kusii qul qulaya madax sare sare oo ka tirsan dowladda federaalka waxaana la filayaa in uu Dhawaan halkaasi gaaro ugaaska beelaha xawaadle ugaas yuusuf ugaas xsan ugaas khaliif si ay ugaaska iyo mas, uuliyinta ay kulamo ula qaataan madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomaliya mudane xasan shiikh maxamuud halkaasi ku wajahan maalmaha soo aadan.
si loo dardar geliyo dadaallada ay dowladdu ugu jirto ciribtirka kooxaha argagixisada ee al shabaab la tashinayana uu kala yeesho madaxweynuhu Hogaamiyaha la mahadiyey xeeladiisa dagaal ee “cali jeyte cismaan” horeyna ugu guuleystay Hogaaminta wejigii kowaad ee dagaalka cadowgana looga saaray magaalooyin badan oo ka tirsan G/ Hiiraan iyo gobollo kale.

 

                     Jalalaqsi Online