maxaas (jalalaqsi Online)—Ciidanka Dowladda Soomaaliya guutada 5-aad qeybta 27-aad iyo Ciidaanka Danab oo kaashanayo Ciidaanka Dib-u-xoreynta deegaanka ee Gobolka Hiiraan  ayaa goordhow la wareegay deegaanka Ceel-dheere Buraale oo hoostaga degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe isla markaana dhaca xuduudka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

diyaarado dagaal ayaa fulinayay duqeyn culus oo lagu bar-tilmaameedsaday gaadiid dagaal iyo xubno Al.shabaab kamid ah oo ku sugnaa deegaanka Ceel-dheere. intaasi kadib Ciidamada ayaa Gudaha u galay Deegaankan oo saldhig weyn Al-shabaab ay ku lahaayeen.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee howlgalka hogaaminayo ayaa sheegay in duqeeynta lagu dilay xubno kamid Al-shabaab oo deegaanka ay yaalan Meeydadkooda inta hartayna weey ka baxeeyn Sida ay sheegeyn Saraakiisha.

                                                                    jalalaqsi Online